Wiilkan soomaaliga ah oo wali la la´yahay. Booliska: Ha Nala caawiyo

0
170
Sawirka: Abdullahi Dayib Mohamud. Foto: Politiet

Sida uu maanta qoray wargeyska lokalka ah ee hammerfestingen oo soo xiganayo booliska, waxaai waxaan wali la helin xogta iyo xiriirka Abdullahi Dayib Mohamud oo ah 21-sano jir soomaali ah, kaas oo isbuucii hore ay boolisku si public ah u codsadeen in laga caawiyo helitaankiisa. Halkan ka akhri

21-jirkan ayay boolisku sheegeen inuu ku koray magaalada Hammarfest oo uu degenaa 11-kii sano ee ugu danbeeyay, balse uu asal ahaan kasoo jeedo dalka Soomaaliya.

Booliska oo isbuucii hore sheegay in markii ugu danbeysay ee la arko wiilkan ay aheyd 23-kii Desember, ayaa hada sheegay in arintaas ay aheyd mid aan sax aheyn. Iyaga oo hada sheegay in markii ugu danbeysay ee la arko sawirka Abdullaahi oo meel Public ah maraya ay aheyd 18-kii Desember ee sanadkii tagay. Xiligaas oo uu lacag kala soo baxayay Mashiinka lacagta(Minibank) ee kutaal senterka magaalada Hammarfest.

Booliska ayaa dhanka kale sheegay inay ilaa hada heleen fariimo dhowr ah oo soo gaaray oo ku saabsan dad sheegay inay wiilka arkeen, balse ilaa hada aysan fariimahaas noqon kuwa miro-dhalay.

Waxeyna raaciyeen inay hada qiimeynayaan in baaritaan xoogan ay ka bilaabaan meelaha looga shaki qabo in markii ugu danbeysay lagu arkay, Ayna ku talo jiraan inay caawimaad weystaan kooxaha gurmadka baaritaanada sida Rødekørs, balse dhibaatada heysata ay tahay inaysan aqoon meeshii ay baaritaanka ka bilaabi lahaayeen. Maadaama aysan jirin meel lagu tuhmayo in markii ugu danbeysay lagu arkay.

Bjørn Tore Svendsen oo ah madaxa baaritaanka kiiskan ayaa warbaahinta u sheegay in aaga dekada magaalada Hammarfest, ay tahay meelaha ay boolisku xiiseynayaan. Rabaana inay baaritaano dheeri kusii sameeyaan.

Tintiisa Midab ayaa marsaneyd:

Booliska ayaa mar kale caawinaad weydiista dadweynaha, iyaga oo codsaday in hadii ay jiraan qof arkay wiilkan wixii ka danbeeyay taariikhdaas kor ku xuran ama ka haya macluumaad kale uu la xiriiro laamaha booliska.

Arrin ay boolisku sheegeen in lagu aqoonsan karo wiilkan ayaa ah in tintiisa, gaar ahaan qeybta kore ay marsaneyd midab cadaan-jaale ah.

Xigasho/kilde: Hammarfestningen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments