Dowlada oo shuruud dheeri ah kusoo rogtay dadka ka imaada dalkan Afrika ah.

0
161
Foto: NN-DDSI

Dowlada Norway ayaa shuruudo dheeri ah oo la xiriira baaritaanka xanuunka Covid-19 kusoo rogtay dadka ka imaada dalka Koonfur-Afrika oo dhawaan lagu arkay nooc cusub oo xanuunka Corona ah.

Sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay dowlada Norway, Laga bilaabo shaley oo Jimce aheyd, qof walba oo 14-kii maalmood ee ugu danbeeyay ku sugnaa dalka Koonfur- Afrika ee raba inuu Norway soo galo, waxaa waajib ku noqon doono in labo(2) mar oo kala duwan laga baaro xanuunka Corona.

Baaritaanka koowaad ayaa qofka laga qaadayaa 24-ka saac ugu horeeyo, marka uu Norway soo galo kadib. Halka baaritaanka labaad laga qaadayo todobo(7) maalmood kadib imaanshihiisa Norway.

Dalka Koonfur-Afrika waxaa isbuucyadii ugu danbeeyay faro ba´an ku hayay nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah, kaas oo wax badan ka duwan noocii horey loo yaqaanay.

Xigasho/kilde: Strengere smitteverntiltak for reisende fra Sør-Afrika

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments