Deg-deg: Dowlada oo xirtay senterka iyo dukaamada Oslo + 9 degmo oo kale.

0
82
Wasiirka Caafimaadka Foto: Borgos Foto AS

Degmada Nordre Follo ee dhacda duleedka magaalada Oslo, waxaa shaley nooca cusub ee xanuunka Corona virus-ka u geeriyooday labo qof, halka 22 kalena laga helay. Halkan kasii akhri.

Arintaas ayaa keentay wel-wel iyo cabsi xoogan oo ku wajahan in noocan coronaviruska ah uu ku faafo Norway, maadaama la ogaaday in noocan corona viruska ah ee dhalan-rogmay uu ilaa 70% ka faafitaan badanyahay noocii la yaqaanay ee Corona virus.

Dowlada ayaa saaka go´aano adag oo deg-deg kusoo rogtay degmada Nordre follo iyo sagaalka degmo oo ku xeeran, go´aanadaas oo ah kuwii ugu adnaa ee dowladu ay soo rogto tan iyo bishii Maarso ee sanadkii tagay, marka oo xanuunku uu ku cusbaa Norway. 10-ka degmo ee kale ee xayiraadaha adag la saaray ayaa kala ah: Oslo, Enebakk, Ås, Vestby, Nesodden, Indre Østfold, Moss, Frogn og Våler, i tillegg til Nordre Follo.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie oo daqiiqado kahor shir jaraa´id qabtay, ayaa sheegay in laga bilaabo saacada 12:00 ee maanta oo Sabti ah, dowladu ay go´aamisay in la xiro dhamaan dukaamada 10-kaas degmo, marka laga reebo kuwa cuntooyinka, farmashiyayaasha iyo kaalimaha shidaalka (Bensinstasjoner).

Sidoo kale dowlada ayaa dhanka kale iskuulada hoose iyo goobaha xanaanada 10-kaas degmo galisay xaalad heegan sare ah(Khadka guduudan), iyada oo dugsiyada sarre iyo jaamacadaha lagula taliyay inay waxbarashada fogaan arag(digital) ka dhigaan.

Dowlada ayaa sidoo kale amartay in la xiro goobaha maktabadaha, tiyaatarada, meelaha khamriga lagu iibiyo iyo goobaha shaneemooyinka. Waxaana dadka awoodo oo dhan lagula taliyay inay ka shaqeeyaan guryahooda.

Amaradan ayaa shaqeyn doono ilaa 31-ka bishan January.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments