Grønlandstorg: Ka faa´iideyso fursadda baaritaanka Corona oo free ah.

0
153

Dad badan ayaa dhibaatooyin kala duwan ku qaba inay qabsadaan balanta baaritaanka Corona ama aanan macluumaad badan ka heynin qaabka loo dalbado ama meelaha baaritaanka lagu qaado.

Dowlada hoose ee Oslo Kommune ayaa maalinta sabtida ah ee berri ah iyo Isniinta isbuuca danbe dadweymaha magaalada Oslo kunool u fidineyso fursad ay dadka magaalada degan isaga baari karaan xanuunka Corona iyaga oo aan wax balan ah qabsan. Waxaa xaafadaha waaweyn ee magaalada laga sameyn doonaa xarumo guur-guura, kuwaas oo dadku ay si toos ah u imaan karaan, isaga baari karaan xanuunka Corona.

Grønlands-Torg: Sabtida iyo Isniinta- Baaritaan Corona oo bilaash ah.

Meelaha la qorsheeyay in laga sameeyo xarumaha baaritaanka Corona, waxaa kamid ah xaafada Grønland, gaar ahaan meesha loo yaqaan Grønlandstorg. Waxaana sabtida iyo Isniinta halkaas imaan doono shaqaale caafimaad, kuwaas oo dadka u fidin doono fursad ay si lacag la aan isaga baaraan xanuunka Corona. Faah-faahinta: Fiiri sawirka kore.

Si aad isaga baarto xanuunka Corona, uma baahnid inaad qabsato balan, waxaad kusoo leexan kartaa xarunta, waxaadna gali kartaa safka dadka xanuunka isaga baarayo. Waa muhiim in la ilaaliyo shuruucda kala fogaahshaha, xirashada marada afka iyo xeerarka kahortaga faafitaanka xanuunka.

Caruurta yar-yar ee kayar 18-ka sano xarumaha baaritaanka loogama baarayo Corona, balse waalidkii raba inuu ilmihiisa ka baaro xanuunka, waa inuu qabsadaa balan. Halkan ayaad balanta ka qabsan karaa(Riix linkiga )

Hadii ay kuu soo suurtogali weydi inaad balan internetka ka qabsado, waxaad wici kartaa dhakhtarkaaga gaarka ah(Fastlegen). Hadii dhakhtarkaaga uusan waqti kuu helin, waxaad wici kartaa telefoonka 21 80 21 82, si aad balan u qabsato.

Xusuuso in baaritaanka Corona mar walba waa lacag la´aan. Wixii macluumaad ah halkan kasii daalaca: https://www.oslo.kommune.no/koronavirus/testing-og-provesvar/

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments