Dhakhaatiir: Ajaaniibta qaarkood haloo hormariyo Talaalka Corona.

1
136
Coronavirus Foto: T.O.I

Dadka ku dhashay wadamada Afrika iyo Aasiya ayaa u dhimashada xanuunka Covid-19, uga nugul dadka intiisa kale ee Norway kunool. Dhakhaatiir iyo ardeyda barata dhakhtarnimada ayaa dalbanayo in ajaaniibta qaarkood loo hormariyo safka qaadashada talaalka Corona.

Sida lagu sheegay warbixin ay diyaarisay hey´adda caafimaadka dadweynaha ee FHI, Xanuunka Coronavirus ayaa saameyn xoogan ku yeeshay bulshooyinka ajaaniibta ah qaarkood, in ka badan inta uu saameeyay bulshada inteeda kale. Bulshooyinka kasoo jeedo dalalka Soomaaliya, Pakistan, Ciraaq, Afgaanistan, Turkiga, Eritrea og Iiraan ayay warbixintu sheegtay inay yihiin dadka uu xanuunka saameynta ugu badan ku yeeshay, marka lala barbardhigo bulshada inteeda kale.

Riix sawirka

Warqad furan ay si wadajir u qoreen dhakhaatiirta iyo ardeyda barata dhakhtarnimada ayay ku sheegeen in bulshada ajaaniibta ah ay dhimashada xanuunka iyo wali inay isbitaal u seexdaan ay uga badanyihiin dadka kale. Sidaas darteed waxeyn codsadeen in loogu hormariyo qaadashada talaalka Corona.

Preben Aavitsland oo ah dhakhtarka guud ee hey´adda FHI ayaa sheegay inuu fahansanyahay dareenka iyo dalabka dhakhaatiirta, balse wuxuu raaciyay in xiligan aysan bulshooyinka ajaaniibta ah aysan kahormarin karin dadka intiisa kale.

Dhakhtarka guud ee FHI ayaa sheegay in da´da qofka ay ka saameyn badantahay waxyaabaha kale ee sababi karo in qofka uu xanuunka u nuglaado.

Xigasho/kilde: Leger vil prioritere koronavaksiner til innvandrere.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Fardawsa
Fardawsa
3 years ago

Hadii ay dhacdo in talalka lagu hormaro dadk ajanibta waa eex cad oon meelna lagu dadine
Warkoodi wayba cadaysteen gaaladu cawa hay’ada iyo cilmi baadhayasha iyo ardayduba
Ma qof bani’adam ah ayaa ka qiima liita mid kale maxay ukala saari dadka?