Deg-deg: Qof walba oo UK kasoo gala ama joogay hala baaro.

0
78
Wasiirka Caafimaadka Foto: Borgos Foto AS

Sida lagu sheegay war saxaafadeed daqiiqado kahor kasoo baxay hey´adda agaasinka caafimaadka Norway(Helsediroktoratet), hey´adda ayaa sheegtay in qof walba oo ka imaada dalka UK ama 14-kii maalmood ee ugu danbeeyay dalkaas ku sugnaa laga baaro xanuunka Coronavirus, marka uu imaado xuduudka Norway.

Hey´adda ayaa sidoo kale sheegtay inay waajib tahay in qof walba oo UK kasoo gala uu marka uu Norway soo galayo wato natiijada baaritaanka xanuunka Corona oo negativ, kaas oo la qaaday 72-dii saac ee ugu danbeysay.

Riix sawirka

Arrintan ayaa kusoo aadeyso xili dalka UK laga helay nooc cusub oo xanuunka Coronavirus ah, kaas oo faafitaankiisu uu 70% ka badanyahay faafitaanka noocii la yaqaanay ee Corona. Dowlada Ingiriiska ayaa sheegtay in ugu yaraan 70 goobood oo UK ah lagu arkay xanuunka, xaaladuna ay faraha kasii bixi rabto.

Dalalka EU-da qaarkood ayaa isla maantaba mamnuucay inay dalalkooda soo galaan dadka iyo duulimaadyada ka imaada UK.

Norway: Talaabooyin kale ayaan ka fakareynaa in lasoo rogo.

Wasiirka caafimaadka Norway, Bent Høie ayaa shir deg-deg ah isugu yeeray hey´addaha caafimaadka iyo kuwa kale oo ay arrintan khuseyso. Wuxuuna sheegay inay ka fakarayaan in lasoo rogo talaabooyin dheeraad ah oo looga hortagayo in nooca cusub ee Corona uu soo gaaro ama ku fido Norway.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay inay muhiim tahay in arrintan si dhaqso ah looga howlgalo, wuxuuna dhamaan dadka ku sugnaa dalka UK 14-kii maalmood ee ugu danbeeyay kula taliyay inay iska baaraan Coronavirus, marka ay Norway soo gaaraan.

Hey´addaha caafimaadka ayaa dhanka kale sheegay inay si hoose oo dhow ula socdaan xaaladdaha kasoo kordho dalka UK iyo dalalka kale ee Yurub.

Xigasho/kilde: Ber alle som kommer fra Storbritannia om å teste seg.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments