Tallaalka COVID-19 ee Pfizer iyo BioNTech oo 95% noqday mid lagu guuleystay.

0
170
Foto: NN


Shirkadaha dawooyinka ee Pfizer iyo BioNTech ayaa maanta sheegay in daraasad ay ku sameeyeen talaalkooda tijaabada ah ee looga hortago COVID-19 ay muujisay inuu wax ku ool yahay 95%.

Waxay sidoo kale sheegeen in talaalkan oo qofka laga siinayo laba dhibcood uusan lahayn wax walaac badqab ah, islamarkaana ay ka codsan doonaan sharci-dejiyayaasha Mareykanka inay ansixiyaan.

Hadalkan kasoo baxay ayaa yimid ayada oo kiisaska COVID-19 ee dalka Mareykanka iyo meelo kale oo caalamka ka mid ah ay sare usii kacayaan, wuxuuna xoojiyey rajada laga qabo in lasoo afmeero cudurkan safmareenka ah.

“Natiijada kasoo baxday daraasadda waxay calaameyneysaa tallaabo muhiim ah oo ka mid socdaalkii sideedda bilood ah ee loo qaaday in la helo talaal awooda inuu soo afmeero cudurkan safmareenka ah oo burburka leh,” waxaa sidaas yiri madaxa shirkadda Pfizer, Albert Bourla.

“Ayada oo boqolaal kun oo qof oo ku kala sugan dunida dacalladeeda uu maalin walba haleelayo cudurka, waxaan deg deg ugu baahannahay tallaal amni iyo wax ku ool ah oo dunida ay hesho,” ayuu ku daray.

Pfizer ayaa toddobaadkii tegay sheegtay in natiijo horudhac ah oo la xiriirta tijaabada tallaaka ay muujisay inuu wax ku ool yahay 90%.

Shirkad kale oo dawo oo lagu magacaabo Moderna ayaa iyana Isniintii sheegtay in tijaabada tallaal COVID-19 ah oo ay ay sameysay uu shaqeeyey 94.5%.

Xigasho/kilde: VOA

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments