NTB: Somaliland oo balanqaaday in Saad aan xukun dil ah lagu fulin doonin.

0
87
Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland: Maxamed Xaaji Faratoon.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maalmihii lasoo dhaafay si aad ah u hadalheyso kiiska muwaadin soomaali ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo maxkamada Hargeysa ee Somaliland ay ku xukuntay dil toogasho ah. Qoyska muwaadinka dilka lagu xukumay, ayaa maanta dowlada Norway ka codsaday inay soo farogaliyaan kiiskiisa, ayna kusoo celiso gurigiisa oo Norway kuyaalo. Halkan kasii akhri.

Farid Bouras oo ah mid kamid ah qareenada ninka dilka lagu xukumay, ayaa wakaalada wararka dalkan Norway ee NTB u sheegay inuu la xiriir la sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yasin Haji Mohamoud, uuna ka helay balanqaad ah inaan xukunka dilka lagu fulin doonin dhawaanahan.

Qareenka ayaa sheegay in inkasta oo uu balanqaadkaas heysto, hadana ay wax walba dhici karaan marka la joogo Somaliland, lagana hadlayo kiis noocan oo kale ah. Wuxuuna raaciyay in ninka la xukumay uu ku suganyahay xaalad caafimaad oo maskax ahaan iyo jir ahaanba aad u liidato.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa iyadana dhankeeda sheegtay inay gacan ka geysan doonto kiiska muwaadinkan soomaaliga ah ee heysta dhalashada Norway.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Norway ayaa sheegay in Norway ay casuumaad u dirtay xubno matala dowlada Somaliland, kuwaas oo ay kala xaajoon doonto kiiska muwaadinka Norwiijiga ah ee dilka lagu xukumay.

Xigasho/kilde: Utenriksministeren i Somaliland forsikrer at nordmann ikke blir henrettet umiddelbart.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments