Norway: Wasiir falcelin xoogan ka muujiyay dulmi lagula kacay gabar soomaali ah

0
76
Wasiirka digitalka Norway: Nikolain Astrup Sturlason/Utenriksdepartementet

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaa warbaahinta Norway iyo baraha bulshada aad looga hadalhayay fal dulmi iyo cunsurinimo ah oo lagula kacay Iido Aadan oo ah gabar soomaali ah oo baratay maadada farmashiga. Halkan ka daawo wareysiga ay Iido siisay warbaahinta NorSom News

Wasiir Nikolai: Ma ahan wax la aqbali karo.

Wasiirka Arrimaha casriyeynta(Digital) dowlada Norway, horeyna u ahaan jiray wasiirka deeqaha ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray qoraal uu fal-celin xoogan uga muujinayo dulmiga ay la kulantay gabadhan dhalinyarada soomaalida. Wuxuuna sheegay in falkaas uu yahay mid aan sinaba loo aqbali karin, isaga oo qoraalkiisa ku magacaabay shirkada farmashiyaha ee Vitusapotek.

Shirkada Vitusapotek ayaa shaley raaligalin rasmi ah ka bixisay ficilka ninka dulmiyay Iido, waxeyna sheegeen inay ka qaadi doonaan talaabo. Iyaga oo dhanka kale balanqaaday inay baaritaan ku sameyn doonaan falkaas. Halkan kasii akhri.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments