Norway: Ma dhici karto in Somaliland ay toogashu ku fuliso muwaadin Norwiiji ah.

0
144
Wasiirka arrimaha Dibadda Norway: Ine Eriksen iyo Mahdi Guuleed.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa maalmahan si aad ah u hadalheyso kiiska nin 54-sano jir asal ahaan soomaali ah, balse heysta dhalashada Norway, kaas oo maxkamada magaalada Hargeysa ay ku xukuntay dil toogasho ah. Halkan kasii akhri.

Ninkan oo lagu magacaabo Saad Jider Hayd ayaa loo xukumay inuu dil u geystay nin kale, balse qareenada ninkan oo isugu jiro soomaali iyo Norwiiji ayaa xukunkaas ku tilmaamay mid sharci daro ah, cadaaladna aan ku saleysneyn. Waxeyna sheegeen in Saad uusan isagu si toos ah uga danbeyn dilka, xukunka maxkamaduna uu yahay mid dhinac ka raran.

Wiilal uu dhalay muwaadinkan heysta dhalashada Norway ayaa shaley la hadlay warbaahinta, waxeyna dowlada Norway, gaar ahaan reysulwasaaraha ka codsadeen inay soo faragaliso kiiska aabahood, ayna kusoo celiso gurigiisa Norway. Halkan kasii akhri.

Norway: Lama aqbali karo in Somaliland ay dilkaas fuliso.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa shaley u yeertay wakiilo ka socdo dowlada Somaliland, waxeyna kala hadleen kiiska ninkan 54-sano jirka ah oo mudo ka badan 25 sano ku noolaa dalkan Norway.

Wasiiradda arrimaha dibadda, Ine Eriksen Søreide oo kulanka kadib wareysi siisay wakaalada wararka Norway ee NTB ayaa sheegtay in Norway ay fariin cad u dhiibtay wakiilada ka socday Somaliland, taas oo aheyd in aan marnaba sinaba loo aqbali karin in xukunkaas dilka ah la fuliyo. Waxeyna wasiiraddu sheegtay in muwaadinkaas Norwiijiga ah uu xaq u leeyahay inuu helo prosses maxkamad oo caadi ah, ahna mid daah-furan.

Wasiirad Ine Eriksen ayaa dhanka kale sheegtay inay aad u fahansantahay xaalada adag ee ay ku suganyihiin qoyska 54-jirka dilka lagu xukumay. Waxeyna sheegtay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo safaaradda Norway ee Kenya ay aad ugu howlanyihiin kiiska ninkan, iyaga oo marayo kanaalo diblomaasiyadeed iyo kuwo sharciba.

Farid Bouras oo ah mid kamid ah qareenadda u doodayo 54-jirkan Norwiijiga ah ayaa sheegay inuu la xiriiray wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiiin Xaaji Maxamuud(Faratoon) uu kala hadlay arinta ninkan- Wuxuuna warbaahinta u sheegay inuu wasiirka ka helay balan qaad ah in xukunkaas dilka ah aan horey laga fulin doonin.

Xigasho/kilde: UD: Dødsstraffen i Somaliland er uakseptabel og må ikke fullbyrdes.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments