Kristiansand: Askari ku xadgudbay wiil soomaali oo kiis dacwo lagu soo oogay

0
92
Sawirka muuqaalka wareysiga Qadar Abdi iyo Askariga. Foto: Booliska

Askari katirsanaa booliska magaalada Kristiansand ee dalkan Norway, ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta inuu xadgudub kula kacay wiil soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Sweden, xili uu wareysanayay.

Askarigan ayaa isaga oo wiilka soomaaliga wareysanayo, wuxuu weydiiyay inuu usoo dhiibo waraaq uu gacanta ku hayay, balse waxaa arintaas ka diiday wiilka soomaaliga ah. Sida laga arki karo muuqaalka ay duubtay kaamirada qolka wareysiga, askariga ayaa intaas kadib ku booday wiilka soomaaliga ah, isaga oo dhulka la seexiyay ceejis ilaa uu neefta ku celiyo. Halkan kasii akhri arintaas.

Booliska Norway, qeybtooda qaabilsan baaritaanka danbiyada ka dhaca askarta katirsan booliska, xiliga ay shaqada jiraan ayaa horey kiis baaritaan ah ugu furay askarigan. Iyaga oo sheegay inay baari doonaan in askarigaas uu sameeyay danbi iyo inkale.

Baaritaan kadib ayay boolisku shaley sheegeen in askarigaas uu sameeyay xadgudub ka baxsan shaqadiisa. Waxaana hada lagu soo oogi doonaa dacwad la xiriirta adeegsi awood sharci daro ah iyo xadgudub ka baxsan shaqadiisa.

Xigasho/kilde: Politi­mann tiltalt for vold og tjeneste­forsøm­melse.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments