torsdag, april 25, 2024

Dagbladet: Norwiiji dil toogasho ah lagu xukumay Somaliland.

Sida uu qoray wargeyska Dagbladet iyo wakaalada wararka Norway ee NTB, maxkamada gobolka Maroodijeex ee Somaliland ayaa dil toogasho ah ku xukuntay nin soomaali ah oo lagu magacaabo Sacad Jidre, heystana, dhalashada dalkan Norway.

Xeer ilaalinta maxkamada Hargeysa ayaa ninkan kusoo oogtay danbi ah inuu dil u geystay nin kale, balse sida uu sheegay qareenka Sacad oo la hadlay warbaahinta Norway, wax lug kuma uusan laheyn falka dilka ah ee dhacay, balse isaga ayaa dhibane ah. Waxaana saacado kahor inta uusan dilka dhicin weerar u geystay ninka la dilay.

Qareenka ninka 54-jirka ah ee dilka lagu xukumay ayaa sheegay in kiiskan uu yahay fadeexad, Sacadna lagu xukumay fal uusan geysan, xukunkuna uu yahay mid calaad daro ah oo ay racfaan ka qaadan doonaan. Waxeyna sheegeen inay kiiska racfaan u gudbin doonaan maxkamada sarre ee Somaliland.

Wasaaradda arrimaha dibadda dalkan Norway ayaa horey u sheegtay inay la socotay kiiska Sacad Jidre, ayna siisay caawin xaga sharciga ah.

Xigasho: Norsk statsborger dømt til døden.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x