Wiil soomaali ah oo booska 1aad ka galay tartan orodka ah.

0
83
Abdullahi Dahir Rabi(dhexda). Foto: Samuel Hafsahl

Abdullahi Dahir Rabi  oo ah wiil soomaali dhalinyaro ah ayaa kaalinta 1aad ka galay tartanka orodada dheer ee Norway, qeybtiisa dhalinyarada 17-sano jirada ah ee Norway. Waana sanadkii labaad oo Abdullahi oo guul ka keeno tartankan orodada dheer ee dhalinyarada, maadaama uu sanadkii lasoo dhaafay uu booska labaad ee bilada qalinka uu ka galay tartanka orodada dheer ee wiilasha 16-sano jirada ah.

Webka ka faaloodo ciyaaraha orodada dheer ayaa Abdullahi ku tilmaamay inuu mustaqbal fiican ka dhex leeyahay tartamada orodada dheer ee Norway iyo Yurubta kale, inkasta oo ay sheegeen in wali uusanqaadan dhalashada Norway, uuna heysto dhalashada dalkiisa hooyo ee Soomaaliya.

Abdullahi ayaa kamid noqonayo dhowr wiilal soomaali ah oo kaalimo fiican kaga jira tartamada orodada dhaadheer ee Norway, kuwaas oo leh mustaqbal fiican oo dhanka ciyaaraha orodada ah.

Xigasho/kilde: Abdullahi Dahir Rabi var overlegen i G17

16-åring utfordret tre år eldre konkurrenter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments