Trondheim: Nin baabuur ku dilay taksiile soomaali ah oo xabsi iyo magdhow lagu xukumay.

0
75
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Trondheim ayaa nin afartameeyo jir ah ku xukuntay 30 maalmood oo xabsi ah iyo magdhow 375.000 kr, kadib markii lagu helay inuu si aan ulakac aheyn(u kas aheyn) oo baabuur ugu dilay wiil taksiile soomaali ah.

Falkan ayaa bishii Desember ee sanadkii 2019 ka dhacay wadada E6 ee xaafada Ranheim ee magaalada Trondiem. Waxaana wiilka taksiilaha ah ee falkaas ku geeriyooday lagu magacaabi jiray Sidi Sudi Hassan.

Halkan ka akhri warkii aan horey uga qornay dhacdadan.

Waxaa dhageysiga maxkamada marag-fur ka ahaa ilaa afar qof oo dhacdadan goob-joog ka ahaa. Haweenay kamid aheyd dadka maxkamada markhaatiga ka furay ayaa sheegtay in wiilka taksiilaha ee geeriyooday ay uga digtay inuu baabuurka ka baxo, xiliga ay qabsatay cilad xaga taajarka ah, uuna istaagay wadada weyn ee E6 dhinaceeda. Balse waxey sheegtay inuusan maqlin ama uusan fahmin, isaga oo isla daqiiqadi uu baaburka ka baxeyba uu jiiray baabuur uu waday ninka hada loo xukumay falka.

Booliska ayaa 40-meeyo jirka falkan loo xukumay ku eedeeyay inuu ku mashquulsanaa mobilkiisa gacanta xiliga uu falkan dhacayay, kaas oo ka mashquulisay inuu ka leexdo dhinaca uu wadada ka taagnaa taksiilaha soomaaliga ah ee geeriyooday.

Ninka la xukumay ayaa qirtay inuu si masuuliyad daro ay kujirtay uu baabuurka u waday, wuxuuse iska fogeeyay inuu isagu sababtiisa uu lahaa dhimashada wiilka taksiiliga ah.

Maxkamada ayaa ninkan ku xukuntay 30 maalmood oo xabsi ah, oo aheyd mudadii ay codsadeen xeer ilaalintu. Waxaana sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo lacag gaareyso 375.000 kr oo la siiyo mid kasta oo kamid ah qoyskii uu ka tagay marxuumka geeriyooday.

Xigasho/kilde:Dømt til fengsel for uaktsomt bildrap etter å ha kjørt på taxisjåfør på Ranheim

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments