lørdag, april 20, 2024

Trondheim: Nin baabuur ku dilay taksiile soomaali ah oo maxkamad lasoo taagay.

Maxkamada magaalada Trondheim ee gobolka Trøndelag waxaa shaley ka bilaabatay dhageysiga dacwada maxkamadeynta nin 40-meeyo jir ah oo ku eedeysan inuu si aan ulakac aheyn(Kama’ ah) baabuur u jiirsiiyay, uguna dilay taksiile soomaali ah.

Falkan ayaa bishii Desember ee sanadkii lasoo dhaafay(2019) ka dhacay xaafada Ranheim ee deegaan ahaan katirsan magaalada Trondheim. Waxaana wiilka taksiilaha soomaaliga ee geeriyooday lagu magacaabi jiray Sidi Sudi Hasan oo 29 sano jir ahaa.

Sida ay maxkamada kahor cadeysay haweenay saarneyd taksiga Siidi Suudi, waxaa baabuurka wiilka soomaaliga ah ee geeriyooday qabsatay cilad dhanka taayarka(Shaaga), waxaana uu istaagay wadada weyn ee E6 dhinaceeda. Isaga oo isku dayay inuu baabuurka ka baxo, si uu u hubiyo cilada qabatay. Balse waxaa isla markiiba jiiray oo dilay baabuur xamuul ah(Laste bil) oo uu waday darawalka hada ay maxkamadu ku socoto.

Mid kamid ah labada haweenka ah ee baabuurka u saarnaa taksiilaha geeriyooday, ayaa maxkamada kahor sheegtay inay ku wargalisay in uusan baabuurka ka bixin, maadaama ay wadadu tahay mid weyn oo baabuurtu ay xawaare sare ku socoto. Iyada o sidoo kale sheegtay inaysan jawaab celin ka helin taksiilaha oo la kulmay baabuurka dilay, isla markii uu daaqada baabuurkiisa ka baxeyba.

Xeer ilaalinta dowlada ee kiiska kusoo oogaya ninka ku eedeysan danbiga dilka ah, ayaa sidoo kale keenay markhaati afaraad oo ahaa darawalka waday baabuurka daba-socday baabuurka dilay taksiilaha soomaaliga ah. Kaas oo maxkamada kahor cadeeyay inuu darawalka baabuurka wax jiiray waday uu heystay waqti ku filan oo ku fal-celin karay ama uu baabuurka uga leexin karay dhinaca uu taagnaa taksiilaha geeriyooday.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ninka baabuurka wax jiiray waday uu adeegsanayay mobilkiisa gacanta, xiliga uu falka dhacay. Taas oo ka mashquulisay inuu la socdo waxa ka dhacayo hareeraha wadada uu marayay.

Qareenka u doodayo qoyska wiilka soomaaliga ah ee geeriyooday ayaa dalbaday in qoyska uu ka tagay marxuum geeriyooday la siiyo magdhow gaarayo 375.000 kr.

Xeer ilaalinta booliska ayaa dhanka kale maxkamada ka dalbatay in 40-jirka dilka ku eedeysan lagu xukumo 30 maalmood oo xabsi ah, sidoo kale sadex sano laga mamnuuco inuu baabuur wado.

Xigasho/kilde: Vitne: – Kollegaen min ropte: «Du kan ikke gå ut her!»

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x