Sweden: Cilado hortaagan qoxooti soomaaliya ku sugan oo ogolaansho la siiyay.

0
84

Hey´adda socdaalka dalka Sweden ayaa jimcihii lasoo dhaafay soo saartay saadaal cusub oo la xiriirta tirada dadka qoxootiga ah ee la fili karo in sanadka danbe ay imaan doonaan dalka Sweden. Iyada oo laga tusaalo qaadanayo xaaladaha cusub ee ku yimid socdaalka dadka magangalyo doonka ah ee caalamka.

Warbixinta hey´adda socdaalka SWEDEN ayaa waxaa kamid ah inay jiraan boqolaal qoxooti ah oo kunool xeryaha qoxootiga caalamka, kuwaas oo ogolaansho dib u dajin ka helay dalka Sweden, balse aan helin fursad ay kusoo galaan dalkaas, xanibaada xanuunka covid-19 dartiis.

Dowlada Sweden ayaa sanad walba xeryaha qoxootiga caalamka kasoo qaadato qoxooti dib u dajin loo sameeyo, kuwaas oo ay soo xusho hey´addaha qoxootiga aduunka ee UNHCR. Waxeyna Sweden sanad walba qoondo go´an oo qoxooti ah kasoo qaadataa.

Warbixinta hey´adda socdaalka Sweden ayaa lagu sheegay inay jiraan dad heysto ogolaanshaha dal ku galka, dhameysteyna dhamaan howlihii looga baahnaa si loogu qaado Sweden, balse uu hakiyay xanuunka Corona.

Dad badan oo dadkaas kamid ah ayaa wel-wel ka qaba inay lumiyaan fursada ay ku imaan lahaayeen Sweden, hadii aysan dalkaas kusoo galin mudadii loo qabtay. Balse hey´adda socdaalka SWEDEN ayaa dhankeeda sheegtay inay ku dadaaleyso sidii dadkaas loogu qaadi lahaa Sweden, aysana lumin fursada dal ku galka.

Xigasho/kilde: Sveriges-Radio.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments