Foto: Kommunikasjonsforeningen

Maalinta sabtida ah oo ku beegan 17-ka bishan October, saacada 19:00-20:00, waxaa Studiyaha warbaahinta NorSom News marti noogu ah ku xigeenka agaasimaha waaxda howlgalinta ee wasaarada caafimaadka Norway, Espen Nakstad oo ahaa qofkii hogaaminayay howlgalka dowlada ee looga hortagay xanuunkii Corona-virus.

Wuxuu Espen diyaar u yahay inuu ka jawaabo su´aalaha ay qabi karaan dadka soomaaliyeed ee ku aadan xanuunka Corona-virus cudur ahaan, talooyinka iyo talaabooyinka dowlada. Hadii ay jirto su´aal aan iska weydiineyso xanuunkaas, qaabka ay dowladu uga hortageyso, go´aamada la xiriiro iyo waxyaabaha kale ee ka agdhow, waxaad su´aashaada noogu soo diri kartaa:

NorSomnews@gmail.com ama wac telefoonka: 94841977/90798477.

Barnaamijka oo live(toos) ah waxaad maalinta sabtida, saacada 19:00-20:00, ka daawan kartaa Boga Warbaahinta NorSom News iyo Radio Maqal ee magaalada Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments