Record cusub Norway: 433 qof oo 24-tii saac corona laga helay.

0
137
Foto: NN-DDSI

24-tii saac ee ugu danbeeyay waxaa Norway laga diiwaangaliyay 433 qof oo laga helay xanuunka Corona-virus, tiradaas oo ah midii ugu badneyd ee hal maalin laga diiwaangaliyo Norway, xitaa markii lagu daro bilihii Maarso iyo April.

Magaalada Oslo oo kali ah, waxaa la diiwaangaliyay shaley in xanuunka laga helay 106 qof. Halka magaalada Bergen laga diiwaangaliyay 77 qof oo xanuunka laga helay.

Dowlada dalkan Norway iyo dowladaha hoose ee magaalooyinka qaar, gaar ahaan Oslo ayaa shaley soo saaray xeerar cusub loo looga hortagayo faafitaanka xanuunka Corona-virus. Halkan ka akhri Oslo.

Dowlada Norway iyo hey´addaha kala duwan ee caafimaadka ayaa wel-wel xoogan ka muujinayo faafitaanka cusub ee xanuunka. Inkasta oo ay sheegayaan in xaaladu ay ka duwantahay sidii bilihii Maarso iyo April, waxeyna sheegeen in xiligaas aan diyaar loo aheyn kahor tagista xanuunka, si lamid ah sida hada loola qabsaday.

Hey´addaha caafimaadka ayaa sheegay inay filayaan inay kor u kici doonto tirada dadka xanuunka uu soo ridin doono ama isbitaalada la dhigi doono. Ilaa hada waxaa xanuunka isbitaal la jiifa 51 qof oo uu soo ritay, waxaana u geeriyooday 279.

Xigasho/kilde: 433 nye koronasmittede registrert siste døgn.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments