Qiimaha ganaaxa «Innkasso»-da oo hoos loo dhigay.

0
135
Innkasso

Wasaaradda cadaalada Norway ayaa go’ aamisay in laga bilaabo 1-da bishan October hoos loo dhigi doono ganaaxa ay shirkadaha deyn uruurinta saartaan dadka lacagta lagu leeyahay. Shirkadaha deyn uruurinta ayaa ka ganacsada inay dadka deynta xiligeedii ku bixin waayo dul saaraan ganaax, si ay lacag dulsaar ah(Ribo ah) uga qaadaan qofka deynta lagu leeyahay.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay go, aamisay in hoos loo dhigo ganaaxa ay shirkadaha deyn uruurinta saaraan dadka(Innkaso), si aan culeys dhaqaale oo adag loo saarin dadka awalba ku dhibanaa bixinta deynta.

Isbadalka ugu weyn ee wasaarada ay sameysay, ayaa ah in ganaaxa koowaad ee digniinta ah «innkasso»-da ah laga dhigo 35, halka ay hada ka tahay 70. Sidoo kale ganaaxa lacagta deynta ah ee ka yar laga dhigo 175 kr, halka ay hada ka tahay 350 kr.

Xigasho/kilde: Nå halveres inkassosalærene.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments