Siyaasi katirsan golaha deegaanka magaalada Oslo ayaa lagu eedeeyay inuu kr qaab khiyaano ahaan ah hey’ adda NAV uga qaatay lacag gaareyso 760.000 kr, isaga oo isla markaasna mushaar ka qaadan jiray shirkad kale oo uu u shaqeeyo.

Siyaasgan ayaa NAV ka qaadan jiray lacagta hawlgabka, lacagta qofka aan shaqeynsan karin iyo lacagta caruurta lagu siiyo, isaga oo isla xiligaas mushaar ka qaadan jiray shirkad uu shaqaale ka ahaa.

Falkan ayaa dhacay intii u dhaxeysan April 2014 ilaa Desember 2016. Xiligaas oo ninkan eedeysan uusan ka tirsaneyn golaha deegaanka Oslo ee uu hada katirsanyahay.

Maxkamadeynta ninkan ayaa bilaaban doonto dhamaadka bishan October, waxaana hadii danbiga lagu helo uu muteysan karaa ciqaab xabsiyeed.

Xigasho/kilde: Bystyrepolitiker i Oslo tiltalt for å ha svindlet Nav for 760.000 kroner.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments