Norway: Wadaadada naceybka fidiya, dalkeena masoo gali karaan.

0
74
Liiska wadaadada laga mamnuucay Denmark Norwayna ay ku raacday Foto: Faksimile

Wasaaradda cadaalada iyo amniga Norway ayaa wareegto ay siisay laamaha socdaalka dalkan ku wargalisay in soo galitaanka Norway laga mamnuuco waxa loogu yeeray wadaada fidiya naceybka, iyo dadka kale ee xagjirka ah ee halista ku ah amaanka iyo danta qaranka Norway.

Wareegtadan oo soo baxday jimcihii ayaa waaxda socdaalka awood buuxdo loo siiyay inay soo galitaanka Norway u diidi karaan, dalkana ay ka saari karaan qofka ajnabiga ah ee loo arko inuu halis ama dhibaato u keeni karo amaanka bulshada ku dhaqanka Norway.

Wareegtada kasoo baxday wasaaradda ayaa dhanka kale lagu sheegay in Norway ay talaabadan kaga horeysay dowlada dalka Denmark oo horey 14 wadaad uga mamnuucday soo galitaanka dalkaas. Norway ayaa sheegtay in 14-kaas wadaad sidoo kale ay mamnuuc ka tahay soo galitaanka Norway.

Waaxda socdaalka ayaa sidoo kale awood loo siiyay inay dadka u diidi karaan soo galitaanka Norway, hadii uu horey u galay danbiyo loo arko inay halis gali karaan amaanka bulshada Norway iyo danaha qarankaba.

Talaabadan ayay dowladu sheegtay inay uga dan leedahay in hey´addaha dowlada adkeeyo la socoshada iyo dabagalka dadka loo arko inay halis ku yihiin amaanka Norway.

Xigasho/kilde: Skal bortvise hatpredikanter.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments