Muhiim: Xeerarkan cusub ayaa Oslo laga dhaqan-galiyay.

0
87
Reymond Johansen: Gudoomiyaha dowlada hoose ee Oslo Foto: Skjermdump

Dowlada hoose ee magaalada Oslo ayaa shaley soo rogtay sharciyo cusub oo la xiriira ka hortaga xanuunka Covid-19 oo ku faafay magaalada Oslo. Magaalada Oslo ayaa xiligan ah meesha uu xanuunka ugu badanyahay dalkan Norway.

Dowlada Hoose ee magaalada Oslo ayaa shaley soo saartay xeerarkan cusub ee looga hortagayo xanuunka:

Xirashada marada afka: Dowlada Hoose ayaa waajib ka dhigay xirashada marada afka, marka uu qofku joogo gudaha goobaha dadweynaha, ama uu saaranyahay gaadiidka dadweynaha(Buss-Triki-Tog-T-bane), hadii aysan suurtogal aheyn in la kala fogaado hal mitir.

Xafladaha: Oslo Kommune ayaa mamnuucay in wax ka badan 200 qof aysan isugu imaan karin hal goob, hadii aysan jirin kuraas cayiman oo hal mitir isku jiro oo qof walba oo ku fadhiisanayo ama uusan ka kici karin.

Oslo Kommune ayaa sidoo kale mamnuucay in wax ka badan 10 qof aysan guri isugu imaan karin ama xaflad gaar ah guriga ku dhex qabsan karin.

Guriga ku shaqee: Oslo kommune ayaa waajib ka dhigay in qofku uu gurigiisa ku shaqeeyo, hadii ay suurtogal u tahay.

Goobaha caweyksa waa in ugu danbeyn la xiraa 22:00 habeenimo, dadkuna waa inay xirtaan marada afka, marka aysan kursi ku fadhin.

Xigasho/kilde: Oslo innfører nye, strengere koronatiltak.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments