Maalmo kahor ayuu Faransiiska yimid, sadex qof ayuu dilay.

0
75
Foto: Rueters

Nin 21 jir ah ayaa shaley sadex qof ku dilay kaniisad kutaal gudaha dalka Faransiiska, wuxuuna falkaas u adeegsaday mindi. Isaga oo gawrac qoorta uga gooyay haweenay kamid ah sadexda qof ee uu dilay.

Eedeysanahan oo 21-jir ah ayaa watay Dukumenti Laanqeyrta Cas ee Talyaanigu oo la siiyey ka dib markii uu Doon Tahriibayaal ku yimid Jesiiradda Lampedusa ee Talyaaniga bishii la soo dhaafay. Waxaa toogtay booliska, waxa uuna hadda ku sugan xaalad halis ah.

Mid ka mid ah dhibbanayaasha weerarkii Khamiistii ka dhacay Notre-Dame basilica ee magaalada Nice ayaa «gebi ahaanba uu qoorta ka gooyay».

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaana ku tilmaamay falkan «weerar argagixiso oo ay fuliyeen koox islaamiyiin xagjir ah».

Falkan ayaa ka daba imanaya weerar kale oo horraantii bishan ka dhacay meel u dhow iskuul ku yaal waqooyiga-galbeed ee magaalada Paris. Samuel Paty, oo ah macalin, ayaa qoorta laga jaray maalmo ka dib markii uu tusay kartoon sawirka nabi Muxamed NNKH uu ku sheegay qaar ka mid ah ardaydiisa.

Dilkaas ayaa sare u qaaday xiisadaha ka taagan Faransiiska. Difaaca Mr Macron ee xuquuqda daabacaadda kartoonada iyo iskudayada dowladda ee ku aaddan la dagaalanka islaamka xagjirka ah ayaa ka cadheysiiyay Turkiga iyo wadammo kale oo muslimiin u badan.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments