Gabar u doonan ayuu kufsaday: 4,3 sano xabsi ah ayaa lagu xukumay.

0
131
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada gobolka Sogn og Fjordane ayaa nin 30-meeyo jir ah ku xukuntay 4 sano iyo sadex bilood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay danbi ah inuu kufsi u geystay haweenay u doonan ama ay guur ku balameen.

Dhacdadan ayaa sanadkii hore bishii September ka dhacday gobolka Vestland.

Haweeneydan ayaa maxkamada ka sheegtay in sababo la xiriira diin awgeed ay rabtay inay sugaan inta ay isguursanayaan, balse uu xoogay ninkan oo ay maxkamadu ku heshay inuu haweeneyda u geystsya kufsi ama galmo aysan raali ka aheyn.

Maxkamada ayaa sidoo kale ninkan ku xukuntay inuu bixiyo 175.000 kr oo magdhow ah uu siiyo gabadha u doonaneyd.

Ninkan ayaa horey xabsiga ugu qaatay 289 maalmood kahor inta aan kiiskiisa maxkamada loo gudbin.

Xigasho/kilde: Kvinnen ville vente med sex til de var gift – nå er mannen dømt for voldtekt.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments