Dowlada oo soo jeedisay in «dagpenger» loo sii dheereeyo dadka waxbaranayo.

0
117

Wasiirka maaliyada xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg, Jan Tore Sanner ayaa isbuucan soo bandhigay miisaaniyada sanadka 2021.

Mid kamid ah qodobada ay dowladu miisaaniyadeeda kusoo bandhigtay ayaa waxaa kamid ah in mudada qaadashada lacagta loo yaqaano «dagpenger» loo dheereeyo dadka ay u socoto waxbarashada ama aqoon kororsi dheeri ah, kadib markii ay waayeen shaqadoodii ama laga fariisiyay shaqadii ay ka shaqeyn jireen.

Dowlada ayaa bishii April ee sanadkan soo jeedisay in dadka ay ku dhacday shaqo la´aan sababo la xiriira Corona-virus ,loo ogolaado inay qaataan waxbarasho ama ay qaataan koorsooyin waxbarasho oo dheeri ah, iyaga oo xaq u leh inay qaataan lacagta «dagpenger». Waxaana fursadaas ka faa´iideystay kumanaan qof oo iska diiwaangaliyay jaamacadaha ama machadyada waxbarashada.

Xilayadii hore dowladu ma ogolaan jirin in qofkii waxbarasho ay u socoto uu qaato lacagta «dagpengerka», balse kadib shaqo la aantii ka dhalatay corona-virus ayaa sababtay in sharciyo badan la qafiifiyo.

Dowlada ayaa hadana mar kale soo jeedisay in dadkaas loo ogolaado inay waxbarashada ku qaataan «dagpenger» ilaa laga gaarayo bisha July ee sanadkan 2021.

Xigasho/kilde: Fortsatt mulig å studere med dagpenger.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments