Dowlada oo qorsheyneyso inay mar kale kordhiso lacagta caruurta.

0
137

Sida lagu soo bandhigay soo jeedinta miisaaniyada dowlada ee sanadka 2021, dowlada ayaa qorsheyneyso inay kordhiso lacagta lagu taageero waalidiinta caruurta yar-yar heysta(Barnetrygdt).

Dowlada ayaa rabta in waalidiinta heysta ilmaha ka yar lixda sano, bishii calaa ilmo loo kordhiyo 300 kr, taas oo isku dar sanadkii ka dhigeyso 3.600 kr.

Xisbiga Krf oo kamid ah xisbiyada ku mideysan xukuumada ay hogaamiso Erna Solberg ayaa dhowr mar oo hore ku guuleystay inay dowlada ku riixaan kordhinta lacagta la siiyo waalidka heysta ilmaha yar-yar ee ka yar lixda sano. Waxeyna dadaal ugu jiraan inay fuliyaan balaq-qaad ay horey u jeediyeen oo ahaa in lacagta taageerada waalidiinta caruurta heysato laga dhigo 7200 kr(Bishiiba calaa ilmo).

Xigasho/kilde: Regjeringen øker barnetrygden.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments