Dowlada: Iskuulada lama xiri doono, hadii xaaladu sii xumaato.

0
122
Guri melby: Wasiiradda waxbarashada iyo isdhexgalka

Dowlada dalkan Norway ayaa bishii Maarso ee sanadkan go´aamisay in albaabada loo laabo dhamaan iskuulada iyo goobaha kale ee waxbarashada dalkan Norway, si looga hortago faafitaanka xanuunka Covid-19. Inkasta oo bishii April, mar kale dib loo furay iskuulada caruurta iyo xaruma xanaanada caruurta yar-yar.

Dowlada: Markan lama xiri doono.

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay aad usoo badanayay tirada dadka laga helayo xanuunka Corona, iyada oo dowladu ay soo saareyso talaabooyin cusub oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka. Waxaana isbuucyadii ugu danbeeyay albaabada loo xiray iskuulo dhowr ah, kadib markii uu xanuunka ka dhex dilaacay ardada, shaqaalaha ama macalimiinta iskuulkaas dhigato.

Wasiiradda waxbarashada Norway, Guri Melby ayaa sheegtay in ilaa hada qiimeynta ay dowladu sameysay u badantahay in iskuulada caruurta iyo goobaha xanaanada, hadii ay sii badato tirada dadka laga helayo xanuunka Covid-19.

Waxeyna sheegtay in la dajiyay habraac ay iskuuladu uga hortagi faafitaanka karaan xanuunka, ayna iskuulada iyo goobaha xanaanada saarantahay masuuliyad dheeri ah oo ku aadan kahortagista faafitaanka xanuunka.

Xigasho/kilde: Melby: Trolig ikke aktuelt med en ny, nasjonal stenging av skoler og barnehage.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments