Dowlada: Ajaaniibta hala siiyo aqoonta u qalanta tii ay wadankoodii kala imaadeen.

0
67

Wasaaradda waxbarashada iyo isdhexgalka ayaa isbuucii tagay baarlamaanka Norway horgeysay sharci cusub oo la xiriira barnaamijka soo dhaweynta, dhexgalinta bulshada iyo kor u qaadista aqoonta dadka ajaaniibta ah.

Dowlada ayaa sheegtay inay rabto in wax ka badal lagu sameeyo qaabka aqoon kordhinta dadka qoxootiga ah oo aqoon ahaan aad u kala duwan, farqi weyna uu u dhaxeeyo heerka aqooneed ee dalalkoodii ay kala imaadeen.

Dowlada ayaa sharcigan cusub oo dhaqangalkiisu uu bilaaban doono kowda bisha January ee sanadka 2021 kusoo bandhigtay qorshe ah in degmooyinku ay qofka marka hore imtixaan ka qaadaan heerkiisa aqooneed, kadibna ay siiyeen aqoon ku haboon, iyada oo loo tixgaliniyo baahida suuqa shaqada ee markaas.

Qorshahan cusub ayaa meesha ka saarayo qorshihii hore ee dowlada ee intiisa badan ku dhisnaa in dadka ajaaniibta oo dhan ah si isku ah loola dhaqmo, ama aqoon isku mid ah la siiyo, iyada oo aan loo tixgalin heerka aqoonta qofka. Tusaale ahaan in qof dhakhtar siiriyaan ahaa fasal lala fariisiyo qof aan waligiis iskuul soo dhigan, isku casharna loo dhigo ama la siiyo.

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Guri melby ayaa sheegtay in aqoonta luuqada ay muhiim u tahay qof walba oo raba inuu qeyb ka noqdo suuqa shaqada, sidaas darteed ay dowladu saari doonto culeys weyn barashada luuqada.

Xigasho/kilde: Tydelegare krav og betre opplæring for innvandrarar.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments