(Daawo)-Cilmibaare Simon: hadii aad kamid tahay adigu ama qof qoyskaaga ah, fadlan ila soo xiriir.

0
153

Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay hey´addaha socdaalka iyo qoxootiga Norway, ayaa dad badan dib uga celiyay dhalashada Norway oo markii hore la siiyay, kadib markii looga shakiyay ama lagu eedeeyay inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiga ah. Waxeyna hey´adda UDI-du sheegtay inay hada gacanta ku heyso ilaa 900 oo kiis oo la xiriira dad ajaaniib ah oo heysta dhalashada Norway, balse looga shakisanyahay inay qaab aan sax aheyn ay ku heleen.

Cilmi baaris arrintaas lagu sameynayo:

Simon Roland Birkvad waa cilmibaare ka howlgala jaamacada Oslo, qeybteeda cilmibaarista iyo daraasadaha. Wuxuuna xiligan daraasad ku sameynayaa dhibaatooyinka ay arrintan u leedahay qofka ay khuseyso, qoyskiisa iyo dadka kale ee ku xeeran. Iyada oo ujeedadu ay tahay in cilmibaaris iyo daraasad sax ah lagu sameeyo saameynta guracan ee ka dhalata marka qofka lagu wargaliyo in baaritaan lagu furay, sanado badan oo uu Norway degenaa kadib. Daawo muuqaalka hoose.

Simon iyo Cilmibaarayaasha jaamacada Oslo ayaa raadinaya inay helaan dad horey looga celiyay dhalashada Norway, ama lagu wargaliyay in baaritaan lagu furay, lagana celin karo, iyo dadka kale ee saameynta aan tooska aheyn ee arintan ku leedahah(Caruurta, qaraabada iyo dadka kale ee qofka ku xeeran). Wuxuuna codsanayaa in dadkaas ay lasoo xiriiran, si uu ula yeesho wareysi ku saabsan dareenka qofka ee kiisaska culeyska badan, saameynta qoyska iyo bulshada inteeda kale.

Magaca, da´da iyo jinsiga qofka la wareysanayo, marnaba laguma darayo warbixinta, kaliya waxey cilmibaarayaashu rabaan inay ogaadaan sheekada qofka iyo dareenkiisa arrintan ku aadan, si loo helo xog uruurin sax ah oo cilmibaaris la galin karo. Waxeyna qofkii u baahdo u qaban karaan turjumaan, si ay sheekadiisa si fiican ugu fahmaan.

Hadii aad kamid tahay dadkaas, fadlan la xiriir madaxa cilmibaaristan:

Simon Roland Birkvad, Tlf: 90190489 ama e-mail: s.r.birkvad@sosgeo.uio.no.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments