torsdag, april 25, 2024

Airportka Oslo oo waajib ka dhigay marada afka.

Shirkada maamusha garoonka diyaaradaha magaalada Oslo ee Avinor, ayaa maanta soo saartay xeer cusub oo ah in dhamaan dadka ku sugan garoonka diyaaradaha Oslo ay waajib ku tahay xirashada marada afka lagu xirto(Munnbind).

Horey waxaa waajib aheyd in qofka qaadanayo diyaarada uu xirto marada, hadii kale aan loo ogolaan doonin inuu gudaha u galo diyaarada. Balse hada shirkada Avinor ayaa sheegtay in sidoo kale gudaha garoonka diyaaradaha ay waajib tahay inuu qofku xirto marada afka.

Amarkan ayaa ka dhaqangalayo garoonka maanta oo khamiis ah.

Xigasho/kilde: Straks-innfører påbud om munnbind på Gardermoen.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x