Xog: Gudoomiyaha deg. Oslo oo kulan isugu yeerayo labada guruub ee Tawfiiq isku heysto.

0
79
Gudoomiyaha Oslo: Reymond Johansen. Foto: Skjermdump/nrk

Sida ay warbaahinta NorSom News ku heshay xog, gudoomiyaha degmada Oslo, Reymond Johansen ayaa kulan dhex-dhexaadin ah isugu yeeri doono labada guruub ee soomaalida ah ee uu ka dhaxeeyo khilaafka masaajidka soomaalida ee Tawfiiq.

Reymond oo katirsan xisbiga Ap, ahna qofka siyaasad ahaan ugu awooda badan magaalada Oslo, ayaa horey TV-ga qaranka ee NRK uga sheegay in waxa ka socdo masaajidka soomaalida ee Tawfiiq uu yahay wax aan loo dulqaadin karin oo ay tahay in wax laga badalo. Isaga oo sidoo kale NRK u sheegay inuu gudiga masaajidka ku casuumi doono xafiiskiisa, si uu ula qeybsado aragtidiisa ku aadan arintan iyo waxa ay maamulka degmadu aragti ahaan qabto ama ay ka fileyso maamulka masaajidka.

Xafiiska gudoomiyaha ayaa hadana markii danbe go´aansaday inay kulan isugu yeeraan labada guruub ee is heysta, si ay xogta uga ogaadaan labada dhinacba, ayna u dhageystaan waxa ay kala tirsanayaan.

Caadi ahaan wax dhici jiray ma ahan in maamulka siyaasada ee degmada Oslo ay soo dhexgalaan arrimaha goobaha cibaadada ee diiniga ah, balse waxaa muuqato in cadaadiska warbaahinta iyo cabashadii dumarka ay keeneyso in maamulka degmada Oslo ay muujiyaan inay dhankooda isku dayayaan inay wax ka qabtaan khilaafka ka dhaxeeyo labada guruub ee soomaalida ah ee isku heysto maamulka masaajidka Tawfiiq.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments