fredag, april 19, 2024

UNICEF: Norway waa meesha ugu fiican ee caruurtu ay ku kori karaan.

Warbixin ay soo saartay hey´adda caruurta u qaabilsan qaramada midoobay ee UNICEF, ayaa lagu sheegay in Norway ay tahay meesha ugu fiican aduunka ee uu ilmaha yar-yar ay ku kori karaan, uuna ka heli karo waxyaabaha aas-aasiga ah ee ilmaha uu u baahanyahay xiligi koritaanka ama barbaarista.

UNICEF oo warbixinteeda ku saleysay qiimeynta lix qodob oo ay sheegtay inay muhiim u yihiin koritaanka ilmaha, ayaa sheegtay in lixda qodob ay Norway kaga jirto booska koowaad. Lixda qodob ayaa kal ah, Caafimaadka, Waxbarashada, dhaqaalaha, deegaanka, bulshada iyo taakuleynta dhaqaale ee dowlada. Waxaana Norway kusoo xigo dalalka Iceland iyo Finland.

Warbixinta UNICEF ayaa dhanka kale sheegtay in caruurta ku korto Norway ay dhibaato xoogan ku heysato arrimo la xiriira cayilka xaddhaafka iyo wel-welka joogtada ah.

Xigasho/kilde: Norge er best i klassen når det gjelder å gi barn gode oppvekstvilkår, viser en ny rapport fra Unicef.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x