fredag, april 26, 2024

Trump oo 750$ oo kali ah canshuur u bixiyay 2 sano.

Wargeyska New York Times ayaa baaritaan ay sameeyeen kadib sheegay in madaxwaynaha Mareykanka, Donald Trump uu bixiyay oo kali ah $750 oo ah canshuurta dakhliga sanaddii 2016, oo ahaa markii uu xilka u tartamay iyo sanadkii ugu horeeyay ee aqalka cad uu yimid.

Wargeyska oo sheegay in ay heleen macluumaadka iyo diiwaanka canshuurihii uu bixiyay Mr Trump iyo shirkadihiisa 20 sano ee ugu dambeeyay ayaa waxaa ku andacooday in canshuurta dakhliga uusan bixin 10 sano oo ka mid ah shan iyo tobonkaasi sano.

Macluumadkan uu daabacay wargeyska New York Times ayaa shaaca ka qaadaya in «muddo sanado ah uu madaxwayanha ka maaganayay bixinta canshuurta»,.

Mr Trump ayaa warbixinta uu qoray wargeyska ku tilmaamay «warar been abuur ah».

«xaqiiqadii waan bixiyay canshuurta waadna arki doontaan marka aan canshuur celinta sameeyo,» ayuu u sheegay warbaahinta.

Madaxwayne Trump ayaa marar badan la kulmay caqabado dhanka sharciga ah ka dib markii uu diiday in uu hay’adaha ay quseyso la wadaago dikumiintiyada la xiriira inta ay dhan tahay hantidiisa iyo ganacsiyadiisa.

Waa madaxwaynihii ugu horeeyay tan iyo sanadihii 1970-yadii kaasi oo aan shaaca ka qaadin canshuur celintiisa inkastoo aan sharci ahaan aysan waajib ku ahayn.

Macluumaadkan uu daabacay wargeyska ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka hor xilli lagu wado in Mr Trump uu ka qeyb galo dood loo qabanayo isaga iyo musharaxa madaxwaynanimada xisbiag Dimuqraadiga Joe Biden .

Waxaa sidoo kale toddobaadyo uun ay ka harsan tahay doorashada madaxwaynanimada ee lagu wado inay qabsoonto 3 bisha November.

Wargeyska ayaa xusay in ay dib u eegis ku sameeyeen canshuur celinta al xiriirta madaxwayna Trump iyo shirkadihiisa laga soo bilaabo1990-yadii, iyo waliba canshuurtiisa shaqsi ahaaneed ee sanadihi 2016 iyo 2017.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x