Taksiile loo xukumay isku day kufsi qof taksigiisa saarnaa.

0
177
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada magaalada Haukesund ee dalkan Norway ayaa nin taksiile ah oo 30-meeyo jir ah ku xukuntay 3 sano iyo bar xabsi ah(3,5), kadib markii lagu helay danbi ah inuu bishii October ee sanadkii 2019 uu isku dayay inuu kufsado haweenay saarneyd baabuurta tagsiga ee uu darawalka ka ahaa.

Maxkamada ayaan aqbalin sharaxaada taksiilaha eedeysane ah uu ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, taas oo aan waafaqsaneyn GPS-ka ku xirnaa systemka Taksemeterka ee tagaasida. Waxaana la rumeeyay sharaxaada haweeneyda oo taageero ka heleysa GPS-ka Taksemeterka taksiga ku xirnaa.

Taksiilaha la xukumay ayaa iska fogeeyay danbiga lagu eedeeyay, isaga oo sheegay in sheegashada eeda ah ee haweeneyda ay tahay mid aysan waxbo ka jirin, wuxuuna sabab uga dhigay inay jiri karto isfahan daro xaga luuqada ah, ama inay rabto inay dhibaateyso maadaama uu Afrikaan yahay ama inay tahay qof raadineyso magdhow dhaqaale.

Xeerbeegtida Maxkamada ayaan aqbalin sharaxaada taksiilaha, balse taas badalkeeda rumeysay sharaxaada haweeneyda sheegtay inay ka badbaaday isku day kufsi. Isla taksiilaha ajnabiga ah ayaa sidoo kale loo xukumay fal dhaqan daan-daansi jinsi ah(sex), kaas oo uu kula kacay haweeney kale oo taksigiisa soo fuushay isla sanadkanas 2019.

Xeer ilaalinta ayaa codsatay in ninkan lagu xukumo 4 sano oo xabsi ah, balse qaadiga maxkamada ayaa taas badalkeeda ku xukumay 3 sano iyo bar, isaga oo sheegay in ciqaabta afar sano ay tahay mid aad u abdan marka loo eego falalka ninkan lagu eedeeyay.

Xigasho/kilde: Taxisjåfør dømt til 3,5 år for å ha forsøkt å voldta passasjer.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments