Faafitaanka xanuunka ee Sweden oo ka yar Norway iyo dalalka kale: Sweden ma saxnaayeen bilowgii?

0
214
Madaxa hey´adda ilaalinta caafimaadka dadweynaha Swden: Anders Tegnel Foto: Janerik Henriksson (AFP)

Isbuucyadii ugu danbeeyay waxaa dalalka Woqooyiga Yurub laga dareemayaa sare u kac xoogan oo ku yimid tirada dadka uu ku dhacay xanuunka Coronavirus oo bilihii lasoo dhaafay aad u hooseysay. Si gaar ah waxaa aad sarre ugu kaceyso tirada dadka laga helayo nooca cusub ee xanuunka ee loo bixiyay omicron, waxeyna hadda u muuqataa in dowlado badan ay ku qasbanaan doonaan inay soo rogaan talaabooyin adag oo lagu xakameynayo faafitaanka corona.

Dalalka Norway iyo Denmark oo kamid ahaa dalalka lagu tirinayo inay ku guuleysteen xakameynta xanuunka Coronavirus, ayaa hada ku dhow inay noqdaan dalalka la siiyay calaamada casaanka, maadaama uu xanuunku aad ugu soo kordhayo, marka loo fiiriyo tirada dadka wadamadaas kunool.

Dowlada Sweden ayaa qaadatay, kuna adkeysatay go´aan ka yaabiyay bulshoweynta caalamka, kaas oo ah inaan haba yaraatee wax xanibaad ah la saarin dhaq-dhaqaada nolosha, waxbarashada iyo ganacsiga, xili dalalka kale ee caalamka ay wadamadooda xireen, cabsi laga qabo faafista xanuunka Awgiis. Waxeyna dhagaha ka fureysteen dhaleeceyn walba oo soo gaareysay, iyaga oo aaminsanaa in cilmi ahaan talaabada ay Sweden qaadatay ay aheyd mida saxda aheyd ee ku habooneyd xakameynta xanuunka Corona.

Ku dhawaad labo(2) sano kadib, waxaa hada su´aalo la iska weydiinayaa in dadweynaha Sweden ay gaareen marxaladda ay bulshada dalkaas kunool sameysteen difaac jireed yareyneysa khatarka xanuunka. Taas oo hadii la cadeeyo muujin karto in go´aankii dowlada Sweden uu ahaa mid sax ah. Taas oo jirto dowlada Sweden ayaa soo rogtay xeerar adag oo looga hortagato faafitaanka xanuunka.

Inkasta oo tirada dadka uu xanuunku ku dhacay isbuucyadii ugu danbeeyay dalka Sweden, hadana Sweden ayaa dalka ay dadka ugu badan u dhinteen xanuunka corona. Dad kor u dhaafayo 15.000 qof ayaa la diiwaangaliyay inay gudaha Sweden ugu dhinteen corona, halka Norway ay tirada dadka corona u dhintay ay tahay 1096 qof.

Xigasho/kilde: Norge har tre ganger så høye smittetall som Sverige. Nå spekuleres det i om Sverige har fått en flokkimmunitet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments