SV oo mar kale xildhibaan Maryan Xuseen u sharaxay xubinimo baarlamaan.

0
102
Foto: Stortinget.no

Waxaa xalay fiidkii soo baxay liiska musharaxiinta baarlamaanka ee xisbiga SV, gaar ahaan laantiisa Oslo ay u xusheen inay sanadka danbe uga tartamaan magaalada Oslo. Waxaana booska sadexaad ee liiskaas kusoo baxay Maryan Cabdi Xuseen oo xildhibaanad soomaali ah oo xisbiga SV golahiisa dhexe katirsan.

Booska koowaad(Booska la hubo inuu soo bixi doono) ee liiska musharaxiinta xisbiga SV-Oslo, waxaa kusoo baxay Kari Elisabeth Kaski. Halka Labaad(Booska labaad ee la hubo) uu kusoo baxay Andreas Sjalg Unneland, waxaana booska sadexaad soo gashay Maryan Cabdi Xuseen oo hada ku xigeenka baarlamaan/Boos xajiye baarlamaan(Vara).

Marian Booska labaad-saadaal xooganeyd:

Waxaa sanadkan si aad ah loo saadaaliniyay in Marian Xuseen oo taageero fiican ka heysato gudaha xisbigeeda SV, inay hesho booska labaad ee liiska musharaxiinta Oslo, kaas oo loo arkayo inuu yahay boos la hubo in qofkii la galiyo ay u badantahay inuu baarlamaanka soo galo. Balse codeyn kadib, waxaa Marian booskaas kala baxay Andreas Sjalg Unneland oo ahaa gudoomiyaha ururka dhalinyarada xisbiga SV( Sosialistisk Ungdom). Waxaana in Marian ay booskaas weydo loo badinayaa inay sabab u aheyd in qofka booska koowaad galay ay aheyd qof haweenay ah(Kaski), sidaas darteed ay adagtahay in laanta xisbiga SV ee Oslo, ay labada boos ee ugu horeeyo liiska musharaxiinta Oslo galiyaan labo musharax oo haween ah.

Sida ku xusan waraaqda codtirinta liiska xubnaha musharaxiinta, Marian ayaa cod aqlabiyad ah ku heshay booska sadexaad ee liiska musharaxiinta xisbiga SV Oslo , waxeyna hada heysataa fursad ay markan si toos ah uga mid noqon karto golaha baarlamaanka Norway, hadii doorashada sanadka danbe ay xisbiga SV Oslo ka helaan codad ka badan kuwii sanadkii 2017. Marian ayaa sidoo kale hadii xisbiyada bidixdu ay ku guuleystaan awooda dowlada, heli karto fursad xoogan oo ay uma mid noqoto xubnaha baarlamaanka ama xitaa golaha xukuumada.

Marian oo horey u ahaan jirtay gudoomiyaha ururka ardeyda soomaalida Norway, ayaa sanadkii 2019 noqotay xildhibaanadii ugu horeysay ee asal ahaan soomaali ah oo kamid noqoto golaha baarlamaanka Norway. Waxeyna noqotay xildhibaankii ugu horeeyay ee golaha baarlamaanka Norway lasoo gasho xijaabka oo ah dharka asturka dumarka muslimka ah.

Xigasho/kilde: SV-Oslo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments