SSB: Soomaalida waa ajaaniibta ugu badan ee Norway ka guuray, marka ay dhalashada qaateen kadib.

0
144
Foto: Cali wadani

Wakaalada tirokoobka iyo daraasaadka u qaabilsan dowlada Norway, ayaa soo saartay daraasad lagu fiirinayo dadka ajaaniibta ah ee Norway ka guuray, marka ay qaaateen dhalashada Norway kadib. Waxaana tirokoobkaas lagu ogaaday in  23.500 qof oo ajnabi ay Norway ka guureen, kadib marka ay qaateen dhalashada ama baasaboorka Norway.

Wixii ka horeeyay sanadkii 2019 waxaa Norway ka guuray 4063 qof oo soomaali ah oo heysta dhalashada dalkan Norway, soomaalida ayaa ah 15,4% ajaaniibta heysata dhalashada Norway ee dalka ka guuray. Waxeyna taas ka dhigantahay in 15% soomaalida qaadatay dhalashada Norway, ay dalka isaga guureen. Wixii ka horeeyay sanadkii 2020 waxaa dhalashada Norway heystay qiyaastii dad soomaali ah oo gaaraya 26.000, waxaana wadanka ka guuray 4.063 qof oo dadkaas kamid ah.

Waxaana kusoo xigo Ciraaqiyiinta oo waxaa Norway ka guuray 1836 qof oo heysta dhalashada Norway, halka ay booska sadexaad kujiraan dadka kasoo jeedo Pakistan.

Dalalkan ayay u guuraan:

Isla tirokoobka SSB, waxaa lagu sheegay in 1900 qof oo kamid ah 4062 qof ee soomaalida ee dalka ka guurtay ay u guureen dalweynaha Ingiriiska(UK) oo ah dalka ugu badan ee soomaalida dhalashada Norway qaadatay ay u guuraan. Waxaana kusoo xigo dalka Kenya oo ah dalka labaad ee soomaalida ugu badan ay u guureen, halka Soomaaliya ay soo galeyso dalka sadexaad ee soomaalidu ay u guuraan.

Ajaaniibta kale ayaa Norway ka guuray ayaa iyaguna intooda badan doorta inay u guuraan dalka U.K, oo la sheegay in ajaaniib badan ay aaminsanyihiin inuu ka waxbarasho fiicanyahay Norway, ayna fududahay helitaanka shaqo uu qofku nolol maalmeedkiisa kasoo saarto.

Xigasho/kilde: SBB-Halkan ka akhri tirokoobka ssb.

Halkan kasii akhri warbixin ay Aftenposten ka qortay arintan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments