fredag, mars 29, 2024

Oslo: Baakistaani dalbaday in xaaskiisa loo dilo oo maxkamada Oslo lasoo taagay.

Maalintii talaadada aheyd ee isbuucan, waxaa maxkamada magaalada Oslo lasoo taagay nin asal ahaan Pakistani ah, balse heysta dhalashada dalkan Norway, kaas oo ku eedeysan inuu dalbaday, lacagna ku bixiyay in loo dilo xaaskiisa oo dalka Pakistan ku nooleyd.

Xeer ilaalinta booliska Oslo oo kiiska ninkan kusoo oogeyso, ayaa ninkan ku eedeeyay inuu lacag gaareyso 725 kr( 73$) siiyay nin uu kireystay oo dadka dilo, si xaaskiisa loogu dilo. Waxaana xaaskiisa oo 40 sano jir aheyd 31- may- 2017 lagu dilay albaabka gurigii ay ku nooleyd.

Dad ka agdhawaa goobta uu dilka ka dhacay ayaa ku guuleystay inau qabtaan ninka dilka fuliyay oo waardiye ka ahaa isla guriga haweeneyda uu dilay ay degeneyd, waxaana markii danbe qabtay oo xiray booliska Pakistan. Wareysi ka dib ayuu qirtay in dilka uu ku fuliyay haweeneydaas uu kasoo dalbaday, lacagna ku siiyay ninkeeda oo Norway kunool, waxaana kiiska dacwada loo soo gudbiyay booliska Norway oo baaritaan kadib dacwad kusoo oogaday.

Ninkan oo 65-sano jir ah ayaa sidoo kale ku eedeysan inuu isku dayay dilka labo walaalo ah oo la dhashay xaaskiisii la dilay, isaga oo sidoo kale isku dayay inuu lacago laaluush ah siiyo booliska Pakistan, si ay kiiska u qariyaan.

Booliska Oslo ayaa ninkan xabsiga dhigay 18-juli sanadkii 2018, wuxuuna labadii sano ee ugu danbeeyay kujiray xabsiga, iyada oo laga cabsi qabay inuu baxsado. Isbuucan ayayna bilaabatay dhageysiga maxkamadeed ee dacwadiisa, taas oo socon doonto mudo 5 isbuuc ah.

Xigasho/kilde: Mann (65) i retten tiltalt for å ha bestilt drap på kona i Pakistan.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x