Norway oo dhimi karto deeqaha ay siiso wadamada dibadda.

0
84
Madaxweyne Farmaajo iyo wasiir N. Astrup Foto: NorwayinSomalia

Dowlada Norway ayaa isbuucyada soo socdo soo bandhigi doonto qorshaha miisaaniyada sanadka danbe ee 2021, kaas oo hada ay socoto diyaarintiisa. Waxaana qorshahaas lasoo hordhigi doonaa xubnaha baarlamaanka Norway oo ansixin doono, kadib marka ay ka doodaan.

Mid kamid ah qodobada la filayo in sanadkan ay ka dhalato dooda ugu badan ee miisaaniyada sanadka 2021, ayaa ah dhimista lacagta deeqaha ah ee la siiyo wadamada Dibadda. Sida caadiga ah dowlada Norway ayaa 1% miisaaniyada dowlada sanad walba ku bixisa deeqo la siiyo wadamada soo koroyo. Waxaana wadamada dhaqaalaha ugu badan la siiyo kamid ah Soomaaliya.

Sanadkii tagay dowlada Norway ayaa deeq ahaan u bixisay 39,2 bilyan kr oo lacagta Norway ah, waxaana sanadkan la filayaa in lacagtaas lagu sameeyo dhimis xoogan oo ilaa hal bilyan kr gaari karto.

Xisbiga mucaaradka ah ee Frp ayaa ku doodayo in sanadkan la dhimo deeqaha la siiyo wadamada dibadda, si dhaqaalahaas loogu adeegsado taageerista shirkadaha Norwiijiga ah ee dhaqaala xumada kala kulmay xanuunka Corona.

Xigasho/kilde: Koronaviruset fører til stort innhugg i bistandsbudsjettet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments