Norway: 90% Dad u dhintay Corona, arintan ayay wadaageen.

0
100

Hey´adda caafimaadka dadweynaha u qaabilsan dowlada Norway ee «Folkehelse-instituttet, FHI) ayaa daraasad ay ku sameysay 236 qof oo Norway ugu geeriyooday xanuunka Corona, sheegtay in 90% dadka xanuunka u dhintay ay qabeen xanuuno aan laga daawoobin(Kronisk sykdom). Sidoo kale ay 90% dadka xanuunka u geeriyooday ay ka weynaayeen da´da 70-ka sano, ayna ku dhinteen goobaha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka ah.

Wax ka badan kala bar(50%+) dadka Xanuunka u geeriyooday ayaa qabay xanuuno la xiriiro wadnaha iyo dhiiga. Halka 30% ay qabeen xanuuno la xiriira kansarka.

Daraasada FHI ayaa lagu sheegay in dadka xanuunka u geeriyooday ay sabab ay u dhinteen uu ahaa xanuunka Covid-19, inkasta oo ay qabeen xanuuno kale oo dheeri ah oo aan laga daawoobin, waayeelna ay ahaayeen.

32 qof oo kamid ah dadka xanuunka u geeritooday ayaa ka yaraa da´da 70 sano, waxeyna qabeen xanuuno dheeri ah oo dhulka soo dhigtay, kuwaas oo la itaal-darnaayeen kahor inta uusan haleelin xanuunka Covid-19.

Xigasho/kilde: Ni av ti som døde med covid-19 hadde kronisk sykdom.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments