torsdag, april 18, 2024

Norway: 252 qof ayaa Corona laga helay labadii maalin ee ugu danbeysay.

Labadii maalmood ee ugu danbeysay, waxaa dalkan Norway xanuunka Covdi19 laga helay dad gaarayo 252 qof, tiradaas oo ah midii ugu badneyd tan iyo bishii April ee sanadkan. Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay Norway ayaa ilaa hada ah 11.034.

13 qof ayaa isbitaalada Norway u yaalo ama loo seexiyay xanuunka Corona, waxaana qof kamid ah dadkaas ku xiran mashiinka neefta. waxaana ilaa hada xanuunka u dhintay 264 qof.

Hey´addaha caafimaadka ayaa dadweynaha inay ka digtoonaadaan faafitaanka cudurka oo dib usoo laba kacleeyay, ayna si fiican u qaataan tilmaamaha caafimaad ee dowlada.

Xigasho/kilde. De siste to døgnene har 252 personer fått påvist korona.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x