tirsdag, april 16, 2024

Madaxa UDI-da oo qirtay qaladaad hey´adda ka dhacay, balse diidan in dib loo fiiriyo.

Wargeyska DagensNæringsliv ee dalkan Norway ayaa bilo kahor fashiliyay in hey´adda qoxootiga iyo agaasinka soo galootiga Norway ee UDI-da, ay tobankii sano ee lasoo dhaafay ay boqolaal qof u diiday inay la midoobaan xaaskooda/ninkooda oo Norway kunool, sababo la xiriira shaki ay hey´addu ka muujisay saxnimada guurka labada qof ee isku dacwoonaya.

Hey´adda oo adeegsaneyso xeerka ajaaniibta oo aan si fiican u qeexneyn ayaa dad badan oo Norway kunool diidmo ka siisay codsigooda ku aadanaa in xaaskooda/ninkooda Norway la keeno, iyaga oo buuxiyay dhamaan shuruudihii dhaqaale ee looga baahnaa. Waxeyna hey´addu diidmadaas ku sababeysay inay ka shaki qabto in guurka labada qof ee isku dacwoonaya ka dhaxeeyo uu yahay mid aan sax aheyn oo la agaasimay, isla markaana ujeedkiisu uu yahay qofka loo dacwoonayo Norway lagu keeno oo uu sharci ku helo.

Baaritaan dheer oo ay oo uu wargeyska DN sameeyay kadib, waxaa soo baxday in dad badan oo dadka diidmada la siiyay kamid ah ay ahaayeen dad si sax ah isku qaba oo xitaa caruurta wada dhalay. Waxaana soo baxday fadeexad la xiriirta hey´adda UDI-da iyo haabka ay kiisaskaas uga shaqeysay.

Halkan kasii akhri: UDI-da oo 10 sano arintan sharci daro ugu dhaqmeysay.

Madaxa UDI-da: Qalad waa dhacaa, balse dib looma noqon karo.

Agaasimaha hey´adda UDI-da Norway, Frode Forfang ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay kiisaska diidmada ah ee dadkaas la siiyay. Wuxuuna qirtay inay jiri karaan dad si qaldan kiiskiisa loo qiimeeyay, ama diidmo aan sax aheyn la siiyay. Balse wuxuu dhanka kale sheegay in sanado badan ay kasoo wareegeen kiisaska qaarkood, aysana suurtogal aheyn in xiligan dib loo noqdo oo la saxo qalad dhacay, maadaama ay sanado kasoo wareegeen, kiiskuna uu ka muuqaal duwanaan karo sidii uu ahaa markaas.

Madaxa UDI-da ayaa culeyska kiisaskan u wareejiyay hey´adda ka sareyso UDI-da ee loo yaqaan UNE, isaga oo sheegay in wixii sixitaan ah oo arintan la xiriiro ay ka warsugayaan go´aanka kasoo baxa UNE oo kiisaska iyo qaabka looga shaqeeyay dib u qiimeyn ku sameyn doonto.

Xigasho/kilde: UDI-sjefen: – Vi kan ikke gå tilbake og begynne å revurdere gamle saker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x