Lacagtan oo dhawaan suuqa ka bixi doonto: Iska hubi inay wali guriga kuu taalo.

0
84
Foto: Norges bank

Bankiga dhexe ee Norway ayaa sheegay in wixii ka danbeeyo 14.ka bisha November ee sanadkan ay istaagi doonto adeegsiga noocii hore ee waraaqda lacagta 1000-kr ee lacagta Norway(Sawirka kore), maadaama ay sanad kahor bilaabatay adeegsiga 1000-kr ee cusub. Wuxuuna bankiga dhexe dadweynaha iyo bulshada ugu baaqayaa inay lacagtaas adeegsadaan wixii ka horeeyo taariikhdaas ama kusoo xareeyaan bankiga dhexe, si loogu badalo.

Bankiga dhexe ee Norway ayaa bishii November ee sanadkii 2019 suuqa soo galiyay lacagta cusub ee 1000-kr(sawirka hoose), waxaana mudo sanad ah si caadi ah uga garab shaqeynayay lacagtii hore.

Wixii ka bilowdo 14-ka bisha November ee sanadkan, waxaa gabi ahaanba istaagi doono adeegsiga 1000-kii kr ee hore, iyada oo dukaamada iyo goobaha ganacsigu aysan qaadan doonin lacagtaas. Balse qofka ayaa fursad u heysto inuu lacagtaas u xareeyo bankiga dhexe, si loogu badalo.

Xigasho/kilde: Disse sedlene går snart ut på dato.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments