Lacagta kaalmada caruurta(Barnetrygd) oo 30% la kordhiyay.

0
123

Lacagta la siiyo waalidiinta heysta ilmaha ka yar 6-da sano ee loo yaqaano «Barnetrygt», ayaa wixii ka bilowdo maanta(1.09.2020) lagu sameeyay kordhin, sida ay maanta sheegtay wasaaradda qoyska iyo caruurta.

Dhamaan Waalidiinta heysta caruurta ay da´doodu ka yartahay lixda sano, ayaa wixii ka bilowdo maanta bil walba heli doono 1354 kr oo lacagta «barnetrygd» ah, halka ay markii hore bishii heli jireen 1054 kr. Waxaana lacagtaas lagu kordhiyay 300 kr oo u dhiginta 30%.

Qorshaha NAV ayaa ah in kordhintaas ay bilaabato isla bishan September, balse waxey sheegtay inay dhici karto in waalidiinta qaarkood aysan lacagtaas isla bishan u bilaaban, culeyska dhanka systemka ah awgiis.

Lacagta «barnetrygd» ah ee la siiyo waalidka heysta caruurta ay da´doodu u dhaxeyso 6 sano ilaa 18 sano, ayaan iyada wax isbadal ah lagu sameyn, waxeyna ahaan doontaa inteeda hore oo ah 1054 kr.

Kabka dhaqaale ee «barnetrygd» loogu daro waalidiinta kaligood nool ayaa isna lagu sameeyay kordhin wax xoogaa, waxaana laga dhigay 1057 kr, halka markii hore ay ka aheyd 970 kr(kordhin 87 kr ah bishii).

Xigasho/kilde: Barnetrygda øker med 300 kroner per måned.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments