tirsdag, april 16, 2024

Ilhaan Cumar oo weerarkii ugu cuslaa ku qaaday Trump

Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa weerar culus ku qaaday madaxweyne Donald Trump oo ay ugu yeertay “cunsuri”, kadib markii uu habeen hore weerar afka ah ku qaaday.

“Madaxweynaha wuxuu si cad u jecel yahay inuu ka faa’iideysto cabsida dadka. Wuxuu faafinayaa cudur naceyb ah meel kasta oo uu tago, waxaana isu soo baxyada uu qabanayo dhiiri-geliya cabsi,” ayey tiri Ilhaan oo la hadashay CNN.

“Waa cunsuri, sababtoo ah kama soo horjeedo soo-galootiga ee wuxuu kasoo horjeeda dadka aniga ii eg,” ayey tiri Ilhaan Cumar.

“Waxay noo sheegeysaa sida loo maamulo dalkeena. Maxaad ka sameysay dalkii aad ka timid. Waa side dalkaaga iminka. Waxay noo sheegeysa sida loo maamulo dalkeena,” ayuu Trump yiri habeenkii Talaadada isaga oo weeraraya Ilhaan.

Ilhaan ayaa sheegtay in weerarada Trump ay noqdeen kuwa qaabeynaya muuqaalka dadka Mareykanka, taasina ay tahay ceeb weyn.

Waxay sheegtay in doorashada madaxweynaha ee dhaceysa November ay noqon doonto mid dadka fursad u siisa inay jawaabaan. “Tani ma ahan wax aan nahay, tani ma ahan mabaadi’ida dadkii aas-aasay dalkan, tanina ma ahan sida aan dooneyno inuu dalkeena noqdo,” ayey tiri.

Ilhaan Cumar oo sidoo kale isla habeenkii Talaadada ka jawaabtay weerarka cusub ee uga yimid Trump, ayaa tiri “Marka koowaad, kani waa dalkeyga, waxaana ka mid ah Aqalka Wakiilada ee adiga kugu qaaday dacwaddii xil ka xayuubinta,” ayey tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barta twitter-ka.

“Marka labaad, waxaan kasoo qaxay dagaal sokeeye, aniga oo 8 sano jir ah. 8 sano jir ma maamulo waddan inkasta oo adiga aad dalkeena u maamusho sidaas oo kale.”

Xigasho/kilde: C.O

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x