torsdag, april 25, 2024

Hooyo ku eedeysan dilka 5 caruur ah oo ay dhashay!!

Booliska magaalada Solingen ee dalka Germany ayaa saacado kahor sheegay in guri kuyaal magaaladaas laga helay meydka 5 caruur ah oo da´doodu ay u dhaxeyso 1-8 sano sano.

Saacad kadib ayay hadana sheegeen in la qabtay hooyada dashay caruurta oo lagu tuhunsanyahay inay danbeyso dilka shanteeda caruurta ah. Waxaana wali guriga meydka caruurta laga helay ka socdo baaritaano xoogan oo ay boolisku wadaan.

Hooyadan oo da´deeda lagu sheegay 27 sano jir ayay boolisku sheegeen inay maanta galinkii danbe isku deyday inay isku dhigto tareen, si ay isku disho, balse waxey ka badbaaday falkaas. Waxaana hada lagu daaweynayaa isbitaalka oo boolisku ay waardiye kaga hayaan.

Booliska ayaa sheegay in ilaa hada aysan ogeyn sababta ka danbeysa dilka ay hooyadan dhalinyarada ah u geysatay caruurteeda.

Xigasho/kilde: Mor mistenkt for å ha drept fem barn i Tyskland.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x