EU-da oo raba in la tirtiro xeerka faraha ee «dublin».

0
161

Gudiga hogaanka midowga Yurub ayaa soo jeediyay in la tirtiro heshiiska faraha magangalyo-doonka ee xeerka Dublin, iyaga oo raba inay ku badalaan heshiis kale oo si saami qeybsi siman ah ay wadamada midowga Yurub u qeybsanayaan magangalyo doonka imaada dhulalkooda.

Xeerka Dublin ayaa ku dhisnaa heshiis ay sanadkii 2001 wada galeen wadamada Yurub, kaas oo ku dhisnaa in qofka qoxootiga ah uu xaq magangalyo ku leeyahay dalka ugu horeeyo ee Yurub ah oo uu imaado ama faraha ka qaado(sida ay soomaalidu u garan ogtahay). Hadii qofkaas uu wadan kale oo Yurub ah magangalyo weydiisto, heshiiska ayaa dhigayay in qofkaas dib loogu soo celiyo wadankii markii koowaad qaabilay ama faraha ka qaaday.

Go’aan shalay uu ku dhawaaqay hoggaanka sare ee ururka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in meesha laga saari doono heshiiskii Dublin, kadib marka dib u habeyn lagu sameeyo siyaasadda qaxootiga ee ururka Midowga Yurub.

Waxaana iminka indhaha lagu hayaa qorshaha ay toddobaadka foodda innagu soo haya soo bandhigi doonto Ylva Johansson, hoggaamiyaha kommishanka arrimmaha gudaha iyo ammaanka ee EU.

Xigasho/kilde: EU-kommisjonen foreslår å oppheve Dublin-forordningen i asylsaker.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments