Dowlada oo soo jeedisay in lacagta ceyrta laga jaro ajaaniibta aan luuqada baran.

0
109
Wasiirka shaqada: Torbjørn Røe Isaksen Foto: Regjeringen.no

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa baarlamaanka Norway u dirtay hindise sharciyeed cusub, kaas oo lagu soo jeediyay rabitaanka xukuumada ee ah in lacagta ceyrta laga jaro ama laga yareeyo ajaajiibta aan luuqada Norwiijiga baran.

Wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshada, Torbjørn Isaksen ayaa sheegay in barashada luuqada Norwiijigu ay tahay furaha ka qeybqaadashada suuqada shaqada Norway, sidaas darteed ay muhiim waajib ah tahay inuu xil iska saaro qof walba oo raba inuu ka qeybqaato suuqa shaqada. Wuxuuna wasiirku sheegay in ajaaniib aad u badan ay qaataan lacagta kaalmada dowlada ee ceyrta, qaar badana aysan si fiican luuqada ugu baran barnaamijka Introduksjon-ka ee qofka loo sameeyo labada sano ee ugu horeysa nolosha Norway.

Tirokoob ay sameysay wakaalada SSB ayaa lagu ogaaday in 56% dadka qaata lacagta ceyrta, ay yihiin ajaaniib intooda badan kasoo jeedo dalalka Aasiya iyo Yurub.

Dowlada ayaa rabta in lacagta ceyrta laga joojiyo ama laga dhimo ajaaniibta qaata lacagta kaalmada dowlada ee loo yaqaan ceyrta, hadana aan ku jirin howl barasho luuqada ah. Si qofka loogu dhiirigaliyo in barashada luuqada uu awood iska saaro.

Qorshaha soo jeedinta dowlada ee baarlamaanka loo gudbiyay, ayaa khuseeyo ajaaniibta qaata lacagta ceyrta, da´doodusana ay ka hooseyso 30 san0, hadana aan ku jirin barasho luuqadeed ama aan rabin inay luuqada Norwiijiga bartaan. Si markaas fursada iyo awooda ka qeybqaadasho ee suuqa shaqada ay noqoto mid fiican.

Xigasho/kilde: Innvandrere som ikke lærer seg norsk, kan få kutt i sosialhjelpen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments