onsdag, april 24, 2024

Dowlada Hoose-Oslo: 10 qof wax ka badan hal meel ma wada joogi karaan.

Gudoomiyaha golaha maamulka degmada hoose ee magaalada Oslo, Reymond Johansen ayaa maanta shir jaraa´id oo uu qabtay ku sheegay in xaalada faafitaanka xanuunka Corona ee magaalada Oslo ay kasii dareyso. Isaga oo sheegay in dowlada hoose ee magaalada ay qaadeyso talaabooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo faafitaanka xanuunka, isaga oo dadka ku waaniyay inay qaataan awaamiirta dowlada.

Gudoomiyaha maamulka Oslo ayaa sheegay in Oslo gudaheeda ay mamnuuc noqon doonto in hal meel ay si gaar ah (privat ah) u wada joogaan dad ka badan 10 qof. Wuxuuna dhaqangalka amarkaas ka bilaabanayaa habeenka soo socdo ee Talaadada, saacada 12:00, isaga oo socon doono mudo 2 isbuuc ah.

Isbuucii lasoo dhaafay oo kali ah, waxaa xanuunka Coronavirus Oslo laga helay dad ka badan 300 qof, iyada oo Oslo hada lagu daray magaalooyinka la mariyay khadka casaanka(guduudka ah), maadaama uu xanuunku aad ugu sii faafayo, marka loo fiiriyo tirada dadka magaalada kunool. Xaafadaha Gamle Oslo, St. Hanshaugen iyo Sagene ayaa ah meelaha ugu daran ee xanuunku uu aadka ugu faafay.

Reymond ayaa kasii digay in awaamiir cusub oo adag ay soo rogi doonaan, hadii ay sii badato tirada dadka xanuunka qaadaya.

Xigasho/kilde: Oslo byrådsleder truer med svært strenge tiltak om smitten øker.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x