fredag, april 19, 2024

Doodii NRK-SIAN: Muslimiintan ayaan rabaa in Norway laga ceyriyo!

Maalmihihii ugu danbeeyay waxaa warbaahinta dalkan Norway ka socotay dood la xiriirta ururka la magac baxay joojinta islaameynta Norway( SIAN), ee sheegtay inay ka hortagayaan in islaamku uu Norway qabsado, iyo mudaharaad ay qabteen sabtidii hore, kaas oo kitaab quraan ah lagu jeex-jeexay. Waxaana mudaaharaadkaas ka dhashay isku dhacyo ka dhaxeeyo xubnaha SIAN iyo dad kasoo horjeeday.

Ururkan iyo ficiladiisa ayaa su´aalo ka abuuray in sharciga xoriyadu hadalku uu yahay difaaci karo in lagu xadgudbo diimaha iyo waxyaabaha muqadaska u ah qeybaha ay bulshadu ka koobantahay.

Xalay waxaa barnaamijka dooda NRK looga hadlayay isla mawduucan, waxaana dooda lagu casuumay Lars Thorsen oo ah hogaamiyaha ururka SIAN. Dhamaan dadkii kasoo qeybgalay dooda ayaa diiday inay la doodaan ninkan, waxaana ay noqotay in wariyaha doodaha hogaaminayay uu su´aalo shaqsi ah oo toos ah weydiiyo.

Ninkan hogaamiyo ururka SIAN ayaa doodiisa ku sheegay in qof walba oo aaminsan diinta islaamka, raaca talaabooyinkii Nabi Muxamed NNKH uu yahay qof bini-aadam xun ah, uuna rabo in la xiro, kadibna Norway laga tarxiilo. Isaga oo sheegay in diinta islaamku ay u taagantahay gumeysi, dhac iyo kufsi(Waa sida uu sheegaye).

Ninkan ayaa sii raaciyay in qof walba oo sheegta inuu yahay mid wanaagsan oo diintiisa raaca, uusan Norway ku noolaan kari, ayna tahay in laga tarxiilo oo la musaafuriyo. Wuxuuna tusaale usoo qaatay dad muslimiin caan ah oo Norway kunool, oo uu kamid yahay Shoaib Sultan oo ah siyaasi katirsan xisbiga MDG, marna u sharaxnaa qabashada duqa magaalada Oslo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu jeclaan in la tarxiilo Bazim Ghozlan oo ah gudoomiyaha masaajidka Rabitata oo qabo haweenay Norwiijiyaan ah, wadankana degenaa mudo ka badan 35 sano.

Waxaa kale oo la weydiiyay inuu Hadia Tajik oo aheyd wasiirkii dhaqanka Norway, asal ahaan Pakistani ah inuu arko inay tahay Norwiiji. Wuxuu ku jawaabay maya. Hadana waxaa la weydiiyay kawaran ilmaha ay dhasho Hadia, wuxuuna ku jawaabay, maya uma arko inay Norwiiji yihiin.

Baraha bulshada ee Norway waxaa xalay iyo maantaba ka socdo doodo la xiriira ninkan iyo ururkiisa, waxeyna dad badan eedeynayaan NRK oo fursad uu fikirkiisa kusoo bandhigo siiyay, halka dad kalena ay ku amaanayaan in NRK uu dadweynaha usoo bandhigay fikirka qaldan ee ururkan oo dad badan xalay ay la fajaceen waxyaabaha qarowga ah oo ay aaminsanyihiin.

Xigasho/kilde: Halkan ka daawo dooda-NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x